Gudoomiyaha Xisbil Xaakimka Kulmiye Ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyskii Marxuum Maxamed Cabdi Iskeersi

0

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah
Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga
waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo
shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuum Maxamed Cabdi Iskeersi oo ku
geeriyooday magaalada Hargeysa maanta 18/06/2016.
Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ka mid ahaa odayaasha kaalinta
muhiimka ah ka soo qaatay nabadayntii, dawlad dhisiddii dalka iyo
hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo
xilal kala duwan soo qabtay, waxaannu hadda ka mid ahaa Golaha Dhexe ee
xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse inuu
ahaa aqoonyahan wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiiba, isla markaana
uu ahaa nin xaruuri ah oo mar walba wanaagga ka shaqeeya.
Marxuum Iskeerse oo aas Qaran loo samayn doono waxa lagu aasi doonaa
xabaalaha cusub ee Xeedho berri 10:00 subaxnimo.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu
jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka
baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE