Deg-deg Maamulka Pultand Ayaa Xukuno Kala Duwan Ku Riday Maxaabiistii Alshabaab Ee Ay Ku Qabteen Dagaalkii
Putland (Arabsiyo-News)Maxkamada Milatariga Maamulka Puntland , ayaa lagu soo waramayaa in xukun dil ah ku riday 43-nin oo kamid ahaa dagaalyahanadii Xarakada Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Deegaano katirsan maamulkaasi. Cabdullaahi Xersi Cilmi Cali oo ah Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in 43-nin oo katirsanaa Al-Shabaabkii kusoo duulay deegaanada Puntland lagu riday xukun dil ah. Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in dadka xukunka dil ah lagu riday ay yihiin kuwa ay da’dooda ka weyn tahay 18-sano jir, waxaana ragan la xukumay lagu eedeeyay in ay soo weerareen Puntland ayna dileen askar katirsan maamulkaasi.

Cabdullaahi Xersi Cilmi, ayaa sheegay in dagaalyahanada kale ay xiran ay yihiin kuwa da’dooda ay ka yartahay 18-sano jir, waxa uuna tilmaamay in qorshahooda yahay in dhalinyaradaasi yar yar loo sameenayo dhaqan celin.

Waxaa jira shaki laga qabo in dadka ay maxkamada milatariga Puntland xukunka ku riday ay ku jiraan caruur yar yar, waxaana dadka la xukumay ay maxakamdeyntooda ay socotay dhoor maalmood iyadoona ugu dambeyn maxkamada ay xukun ku riday Dagaalyahanadan Xukunka dilka ah lagu riday ayaa ahaa kuwii bishii marso ee sanadkan xeebaha Garacad uga degtay doon iyagoo hubeesan, waxa ayna kula dagaalameen Ciidamada Puntland deeganada Garacad iyo Suuj.
Arabsiyo Desk
Arabisyonews@gmail.com








