Wasiirada Xukumadda Ku Jira Ee Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Lasoo Wariyay Inay Bilaabeen Olole Ay Shacabka Gobolka Saaxil Kaga Dhaadhicinayaan Qorshaha Wareejinta Dekeda Berbera

0

Arabsiyo News—Warar hoose oo lasoo wariyay soona gaadhay shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in wasiirada xukumadda Somaliland ku jira iyo maareeyaha dekeda berbera mudane Cali Xoor Xoor oo ay bileebeen qorsho ay xukumaddu usoo dhiibtay oo ay doonayaan in shacabka gobolka saaxil kaga dhaadhiciyaan qorshaha ay xukumaddu ka damacsan tahay wareejinta marsada dekeda Berbera.

Waxaaan warar hoose oo aanu helaynaa ay sheegayan in mudane Cali Xoor Xoor uu kulamo hoose la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanada gobolka saaxil kuwaasi oo u sheegay una soo bandhigay qorshaha ay xukumaddu ka wadato wareejinta dekeda berbera balse lama oga inay shacabka deegaanadaasi iyo waxgaradka uu Cali Xoor xoor la kulmay ay ogalaadeen qorshahan uu usoo bandhigay.

Dhanka kalena xubnaha wasiirada ah ayaa la sheegay in dhankooda lagu qasbay inay ka qayb qaataan ololaha shacabka gobolka saaxil lagaga dhaadhicinayo waareejinta dekeda kuwaasi oo iyaguna la filayo in ay safar ku tagaan gobolka saaxil isla markaana ay kulamo la yeeshaan odayasha cuqaasha iyo waxgaradka gobolka saaxil.

Si kasteba ha ahaate shacabka  gobolka saaxil ayaa aad uga soo horjeeda wareejinta dekeda berbera iyada oo dhawaana ay xukumaddu xabsiga u taxaabtay dhalinyaro magalada hargeysa kaga hadashay wareejinta dekeda berbera.

 

Arabsiyo-desk

Arabsiyonews@gmail.com