Gudiga diwaangalinta Ururada Siyaasada oo soo gunaanaday doodii khilaafka Ucid +Gudoomiye Faysal oo beenaale ku tilmaamay Jamaal Cali Xuseen

0

Hargaysa(AN)Gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah ee Somaliland ayaa waxaa ay maanta soo gabo gabeeyen ka gar niqida  khilaafka xisbiga  UCID.

 

Waxaa ka soo qeyb galay ka garniqidan laba garab ee ay dacwad ka dhaxeyso ee ay kala Hogaaminayaan Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali  Waraabe iyo qareeno u doodaayey labada dhinac  iyo gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha gudidaas Cabdirisaaq Ciyaale

Gudidu markii ay dhegaysatey  garyaqaanadii u doodaayey labada dhinac waxaa y su,aalo koob kooban weysiday labada dhinac

Ka Dib  markii ay su,aalahaasi ka jawaaben laba dhinac waxaa ay gudidu sheegtay in ay sidaasi ku soo gabo gabeysay ka garniqida khilaafka xisbiga UCID isla markaana fadhiga fadhigan xigaa uu noqon doono mid ay go,aamo ka soo saaraan

Sidoo kale gudidu waxaa ay sheegay in cidii ku qanci weyday go,aamdaas ay soo saaran in ay ambiil u qaadan karaan maxkamada sare ee Somaliland

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office