Daawo: Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq oo Baroordiiq u Sameeyay Wariye Sagal

0

Paris{AN}- Ku dhawaad  350 oo ergo suxufiyiina  oo ka kala socota  dunida  kuwaa oo ka qayb galaya shir  IFJ ee ka socda dalkaasi Faranasiiska gaar ahaan Magaalada Angers ayaa  kulan socod ku maray waddooyinka magaalada kuwaasi oo sita sawirka Weriye Sagal Osman Salad

Socodkaas ayaa waxaa hor kacayay Xoghayaha guud ee  ururka Suxufiyiinta Qaranaka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cismaan  , waxaa sidoo kalena iyadna la xusuusanayaa  Saxafiyad  Faransiis  ah oo lagu magacaabo Camille Lepage, oo la dilay 12kii May 2014 ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) iyo sidoo kale Dilkii Sagal Salaad Cusmaan oo ahayd gabar suxufiyad dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay ama ubaxyo la dhigay taalooyin lagu xusaayo saxafiyiinta sanaadkaaan lagu dilay caalamka oo dalkeena soomaaliya uu kamida tahay wadamada inta badan  suxufiyiinta lagu dhibaateeyo .

 

Xogahaya guud ee IFJ  Anthony Bellanger ayaa suxufiyiinta soomaaliyeed u diray hambalyo wuxuuna ku booriyay inay shaqadooda sii wataan , iyadoo la ogsoon yahay marxalada adage ee uu ku shaqeeyo suxufiga Soomaaliyeed “ Halkan waxaa ku kulmay in ka badan 300 suxufiyiin ka kala yimid dunida mid kasta wuxuu leeyahay dalka shaqadiisana waa mid u madax banaan cid soo fara galisana ma jirto waxaan NUSOJ u  rajaynayaa inay sidaa oo kale u madax banaanato oo fara gelin laga daayo “ sidaa waxaa yiri Anthony Bellanger .

2345faaruuq 1sagal-6sagal-7

 

Arasbiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com