Arabsiyo News—-Ciidamada dalka itoobiya oo iskugu jira kuwa fadaraalka ah iyo kuwa news police ayaa shalay xasuuq ba’an ka gaystay magaalada Jaamac Dubad oo dhanka bari ka xigta degmada gaashaamo.
Xasuuqan loo gaystay dadkan deegaanka jaamac dubad oo ay shabakada Ramaasnews faahfahin ka heshay isla markaan aan la xidhiidhnay qaar kamida dadkii ku dhawacmay xasuuqan oo aan iyagu dhimanin laakiin dhaawacyo soo gadheen isla markaana yaala cusbitaalka gaashaamo laguna dabiibayo ayaa waxay nooga warameen qaabkii uu u dhacay xasuuqu, sidoo kalena dadka dhaawacyadu kaso gaadheen rasaasta ayaa noo sheegay in dadka macal ay ku weerareen ciidamadu masaajid ku yaala tuulada oo lagu tukado.
Waxaana ay dadkani no sheegeen in dad badan ay halkaa ku dhintee isla markaana aan ilaa hada la garanayn sababta ay dadka u laayeen ciidamadu .
Dadkan oo naga codsaday inaan magacyadooda la shegin ayaa nooga waramay qaabka uu xasuuqu u dhacay waxaana ay oda kamid ah dadka dhawacmay uu noogu bilaabay hadalkisi sida tan
“Anigoo meherad iska fadhiya oo marka magaalada soo galay ayay rasaasta il soo dul istaageen ciidamadu dabadeed carar baan is idhi,walaahay wuxu ahaa xasuuq xun dad badana goobta way ku dhinteen mana qiyaasi karo aniga ilaahay ayaa iga duwayoo bowyada ayaa I jaban ta kalena waa dilaac kolay anigu war kama hayo waxa uu ku bilowmaye ciidamada oo rasaas soo furay iyo anoo ila kulantay Ayaan ku war helaya, mana garanyno sababta dadka loo layaya”Sidaas ayu hadalkiisa kusoo koobay mid kmida odayaasha dhaawacu soo gaadheen oo ramaasnews u waramay nagana codsaday inaan magaciisa la baahin xaalad amni awgeed.
Dhanka kale mid kamida isna dadka ku dhaawacmay xasuuqa oo xaladiisa caafimaad lagula tacaalayo cusbitaal ku yaala degmada gaashaamoo ayaa noo waramay waxaan uu ku bilaabay isna sida tan.
“Aniga anoo masaajidka ku jira oo tukanaya ayay ciidamadu soo galeen oo habiyayaal nala dhaceen oo nagu garaceen, aniga oo markaa ragcad tukaday ayay xabad igu dhufteen markaa markii waxi ka yaceen oo dabada u yaceen Ayaa markan kacay is idhi xeramkii “Meeshi Qudbd” Gal, markii aan kidinka ka galay ee aanan gees u weecan ayay igu dhacday rasaastu, nin il socday taahiisa ayay maqlayayoo isagan malaa markaa u baxay ayay ku dhacday dee ila xalay ila saaka wax dhaqdhaqaaqa iima iman, aniga oo jiifa oo intaan badhida kusoo guurguurtay imi ayay qof dumara ii timi oo ay tidhi waar ninkan caawiya oo daweeya rasaast ayaa ku taalee”Sidaas ayu hadalkiisa kusoo koobay oday wayn oo kamid dadkii xasuuqa loo gaystay.
SI kasteba ha ahaatee xasuuqan xun ee ay geesteen ciidamada dawlada itoobiya ayaa ah mid aad u badashay dareenka bulshada iyada oo aan ila hada la garanayn sababta loo laayay dadkan iskugu jira rag,dumar iyo caruur yaryar oo iyagu ku noolaa deegaanka jaamac dubad oo dhanka bari ka xigta degmada gaashaamo.
Waxii wararar ee soo kordha kala soco shabakada wararka Ramaasnews














