Guddoomiyaha KULMIYE oo Naqdiyey Duudsiga Beesha Caalamka ee Somaliland iyo Dadaalka ay la Garab Joogto Soomaaliya

0

Hargeysa (AN )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee
KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynenimo xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa naqdiyey duudsiga beesha caalamku ku hayso xaqa dalka Somaliland iyo ummaddiisa iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay la barbartaagan yihiin maamulka Soomaaliya ee aan jirinba.Sidaana waxa Guddoomiye Muuse Biixi ka sheegay xaflad loo sameeyey toban arday oo dhammeeyey xifdiga Qur’aanka Kariimka ah oo ay ka barteen dugsiga hoyga ah ee hoose/dhexe ee Dallaayad ee deegaanka Balli-kaliil oo ka tirsan degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi-jeex,

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu saluug weyn ka muujiyey quudhsiga beesha caalamku ku hayso horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaannu yidhi, “Innagoo maanta heerkaas marayna haddana waxa wax lala yaabo in Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Maraykanka xoogga badan ee ciidankiisu yidhaahdo geed walba Satalayt (Satellite) baanu ku ilaalinaa ay arki la’yihiin ummaddan tashatay ee Somaliland iyo waxay qabsatay,
iyagoo meel inagaga dhacaya ayey maalin walba yidhaahdaan waxa idin metelaaya nin suuq yar oo Xamar ah xukuma oo Somaliland ma ictiraafsanin.
Waxa sidoo kale la yaab leh in dhawaan aynu maqlaynay in caalamku Soomaaliya u dhisayo dawlad gacan-ku-rimis ah Soomaaliya oo waliba loo dhisayo laba aqal oo kuweena lagaga dayday oo Guurti iyo Baarlamaan ah oo aan la ina weydiisan xuquuqda wixii aynu hindisnay, markaasaa haddana la ina leeyahay oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo intala shaqaysaa ay ina leeyihiin aqalka sare waxa laga soo wada qaayaa Soomaaliya oo dhan, haddii Somaliland diidana annagaa meelahaas qaar ka oo ururinayna.”
 

 

Arabsiyo.net

Arabsiyonews@gmail.com

Hargaysa Office