Hargaysa(AN)Xildhibaan Waabeeye Maxaa Uu Ka Yidhi Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga Kulmiye Ee Laga Xayuubiyay Xildhibaan Waabeeye Oo Hadal Aan Laga Filayn Kaga Jawaabay Kursigii Uu Ku Fadhiyey Ee Shalay Masuulka Kale Loo Magacaabay.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye isla markaana ka mid ah Garabka Is-bahaysiga oo badankooda shircigu ka saaray Xisbiga Kulmiye ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko Buuxinta Booskii uu baneeyey waxaana uu yidhi
“Xisbiga Kulmiye ee hadda jira anigu wax hawl ah oo aan ku leeyahay ma jirto hadduu qof dooranayo iyo hadii kaleba oo wakhti isagu kaayo xidhay ma jiro Ninkaa (Muuse Biixi) isaga ayayna u taallaa sida uu u magacaabayo hadduu xaaraan ku magacaabayo iyo hadii uu Xalaal ku magacaabayo isagay jirtaa laakiin wakhti Kulmiye iigu hadhay oo aan iskaga luminayaa ma jiro iminkana ma ihi nin ku doodaya in uu yahay Gudoomiye Ku xigeenkii 2aad ” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








