Badhan(AN)170 Askari Oo Ku Hubaysan 7 Gaadhi Tikniko Ah Oo Ka Soo Gadooday Puntland Soona Gaadhay Gobolka Sanaag Iyo Somaliland Oo La Filayo In Wada Hadal La Furto Kana Faa’iidaysato
Ciidamo si weyn u hubaysan oo wata kolonyo gaadiid ah ayaa Isniintii baneeyey xero ay ka degenaayeen Magaalada Garoowe iyagoo gaaray tuulada Bali Busle oo qiyaastii 30 KM u jirta Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag, Sida loo xaqiijiyey Faaqidaad.
Tiro ahaan waxay ka kooban yihiin 170 Askari. 7 gaari oo nooca dagaalka ah (Tikniko), Gaari Xanbaarsan qori lidka diyaaradaha ah iyo 2 gaari oo nooca xamuulka ah ayey ku hubaysan yihiin.
Ciidankan ayaa horay saldhigoodu u ahaa Degmada Buraan, Laakiin waxaa loo daad gureeyey Gaalkacayo si ay uga qayb qaataan dagaalkii halkaas ku dhex maray Puntland iyo Galmudug.
Sidoo kale waxay qayb ka ahaayeen hawl galkii danab ee lagaga saaray Deegaanka Garacad maleeshiyaadkii weerarka ku qabsaday ee ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.








