Hargeysa (AN )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay xaflad loo qabtay ardayda sannadkan ka baxaysa fasallada Afraad ee dugsiga Sheekh Cumar Good ee degmada DILA ee Gobolka Awdal oo dhacday maanta, taas oo ay ka qaybgaleen madaxda heer gobol iyo degmo, madaxdhaqameed, aqoonyahan, dad ka kala socday qaybaha bulshada Awdal iyo saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu si hufan u hogo-tusaaleeyey hannaankii ay ku timi qarannimada
Somaliland, isagoo xusay in dhammaanba umadda reer u dhammaayeen dib-u-lasoo noqoshadii xorriyaddaSomaliland oo ku astaysan 18-kii may sannadkii 1991-kii.Ugu horrayn guddoomiyuhu waxa uu shacabka kula dardaarmay midnimo iyo isku duubni, waxaannu carrabka ku adkeeyey sida xisbul-xaakimka KULMIYE uuumadda ugu sahaminayo mar walba mustaqbal fiican oo la gaadho, “Waxa aynu iskula dardaarmaynaa oo aynu isu sheegaynaa in danteena, horumarkeena iyo mustaqbalkeenuba ku jiraan wadajirkeena qaran ahaaneed,
midnimadeena, wax-wada qabsigeena iyo isku tashigeena, xisbi ahaanna himiladayayadu waxa weeye maalintii la joogaba in aynu ku hammino mustaqbal ka wanaagsan maalintaas la taagan yahay si aynu taas u gaadhnana inaynu xoogga saarno da’yarta mustaqbalka leh, waxna la baro oo la taakuleeyo, caafimaadkooda, maskaxdooda iyo dhaqaalahoodaba la kordhiyo oo aan waxba lagala hadhin ayey aragtiyadada iyo hawlkayaguba
yihiin,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasiyiin shaki geliyey maalinta qaran-nimada
Somaliland ee 18-ka May, waxa uu ku dheeraaday sida ummadda reer Somaliland oo dhammi maalintaas ugu midaysnaayeen, isagoo si gaar ah u xusay doorkii shacabka reer Awdal ku lahaayeen maalintaas iyo hannaankii
ururkii SNM ula xaajoodeen waxgaradkii reer Awdal, waxaanu yidhi, “Dad badan ayaa yidhaahda Somaliland xorriyadeeda markii la odhanayey halla soo noqdo cid gaar ah baa ka talisay, waxaanan maqlayey warbaahin lahayd
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








