GUDOOMIYAHA XIDIGAHA GEESKA OO KA HADLEY XIL KA QAADISTII LAGU SAMEEYEY

0

Hargaysa(AN) Xassan Saleeban Dhuxul gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska ayaa waxaa uu ka hadley xil ka qaadistii ay ku sameyeen xubna ka midka ah  kooxdaasi oo xalay doortey gudoomiye cusub

Waxaa uu sheegay Laabsalaax in uu aad ugu mahad celinaayo mudadii ay soo wada shaqeyn fanaanintaas isla markaana uu iska caslay xilkii gudoomiyaha kooxda xidigaha geeska waxaana uu u dhignaa qoraal uu soo dhigay barta   uu ku leeyahay shabakada Facebook gu sidan :-

Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.

Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Muda ah. Ana Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa

In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo

Maamulkii iyo Xubnihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.

ALLAAAAAH MAHAD LEH

Xasan Dhuxul Laabsaalax