War Dagdag Ah Amarka Soo Baxay Maayarka Magalaada Tog wajaale Cabdi saleebaan ayaa caawa fiidkii xabsiga Loogu Taxaabay Wariye ka Hawlgala warbaahinta somaliland gaar ahaan Shabakada Hadhwanaagnews

0

Gabiley(AN) Wararka aanu ka helayno Magaalo Ganacsiyeedka Tog wajaale oo uu ku sugan yahay Mid Kamid ah Dadkii ay Wada Socden wakhtigasi La soo Weeraray Wariye Cabdiraxmaan Hiiran ayaa noo xaqiijiyay in caawa fiidkii cabaaro  7;30pm ay wariye cabdiraxmaan Nuux Axmed oo Aan saacadaa ku guda jirin shaqadiisa ismarkaana sungaa Meherad Ganacsi oo Ku Taala magaalada Tog wajaale dhexdeeda ay soo weerareen ciidamo uu horkacayo gudoomiyaha magaalada wajaale iyo kuxigeenkiisa ay amar kusiiyeen taliyaha ciidan booliska wajaale in uu xidho wariyahan,

Xadhigan wariyaha ayaan loo mari sifo sharci ah taasi oo ka hor imanaysa qoraalkii ay maxkamada sare u amartay badhasaabyada dalka in aanay xidhin cid aan loo marin sifo sharciya siiba warhaabin ilaa ay cadaanayso danbi uu galay amaba xiligaa faraha kula jiray.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)

Dhanka wararka aanu ka helayno xadhigan lagu xidhay wariye cabdiraxmaan hiiraan ayaa sheegaya in maayarka magaalada wajaale ka daba socday warbixino laga qoray masuuliyiinta wajaale iyo Cabashooyin Uu Ka Baahiyay Dadwaynaha Reer Togwajaale Oo Ka Cabanaya Maamulka Dagmada Togwajaale sidoo kale su,aal la sheegay in isla warihani waydiiyay wasiirkuxigenka Abniga oo la xidhiidhay maamulka wajaale

SIDOO KALE BADHSAABKA GOBOLKA GABILEY OO AANU WAXKA WAYDIINAY AYAA NOO SHEEGAY IN AANU WAX WARA HAYNIN XADHGA WARIYAHAN WAXLAGA WAYDIIYAYNA AANAY JIRIN

DHANKA KALE MAAYARKA WAJAALE OO AANU ISKU DAYNAY IN AANU LA XIDHIIDHNO AYAA UU XIDHNAA Telefonkiisa Gacanta
Wixii kasoo kordha xadhiga wariyahan kala soco

Arabsiyonews.Net