Deg-Deg: Iska Hor imaad Dhimasho iyo dhaawac keenay ka dhacay Buuhoodle

0

Hargeysa(Arabsiyo News)War deg deg ah oo  naga soo gaadhay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya  inuu iska hor imaad dagaal ah uu ku dhex maray magaalada buuhoodle laba kooxood oo kala taageersan ganacsatada jaadka keenta magaalada buuhoodle oo maalmihii u danbeyey khilaaf xoogani dhex yaalay.

Waxaan iska hor imaadkan dhex maray labada kooxod uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof halka mid kalena ku dhaawacmay.

Cabdikarim Axmed Ismaaciil oo ku nool magaalada buuhoodle oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ganacsatadani isku maan dhaafeen keenisga jaadka loo yaqaano miirooga oo isagu kasoo gala dhanka magaalada laascaanood.

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaa dhex maray labada kooxood ee kala taageersan ganacsatada keenta jaadka.

 

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com