Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo qaatay Kaadhka codbixinta doorashada 2017-ka dalka ka dhacaysa.
Arabsiyo News-Diwaangalintii codbixiyayaasha ayaa guud ahaanba gobolka Maroodijeex saaka ka bilaabantay goobo kala duwan oo loogu tallo galay inay dadku ka qaataan kaadhka codbixinta.
Dadwaynaha ku dhaqanka Gobolka Maroodijeex ayaa safaf dhaadheer ku jira sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka Codbixinta ee doorashada Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka ee sannadka 2017-ka guud ahaan dalka Somaliland ka dhici doonta.
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa subaxnimadii hore tagay xarunta la iska diwaangalinayo oo ku taalla Hay’ada shaqaalaha Dawlada,waxaanay Madaxwaynaha iyo Marwada koowaad buuxiyeen waraaqihii loogu talogalay in muwaadin kasta buuxiyo si uu u dhammaystiro nidaamka diwaangalinta codbixiyayaasha .
Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa 28 April 2016 ka si rasmi ah ugu dhawaaqay in dib loo bilaabayo gobolada hadhsan,gaar ahaan gobolka Maroodijeex kadib markii muddo bil ah loo hakiyay abaaro ka dhacay guud ahaanba dalka Somaliland.
Guud ahaanba Amaanka gobolka ayaa aad loo adkeeyay goobaha ay ka socoto diwaangalinta codbixiyayaashu,waxaana inta badan gaafwareegaaya kormeerayaasha asxaabta qaranka,komishanka iyo laamaha amaanka ee kala duwan .
Arabsiyo Desk
Arabsiyonew@gmail.com









