Arabsiyo news–
Maxkamadda gobolka marooi-jeex ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabaysa dacwad indhaha bulshada ku cusbayd oo u dhaxasay masuuliyiinta wasaarada deegaanka Somaliland iyo muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Cabdilaahi Haaruun Daa’uud.
Dacwad aya ahayd mid ay msuuliyiinta wasaarada deeganaka Somaliland ku eedeyeen ninkan muwaadinka ah inuu ka ganacsado gubista iyo goynta dhirta qoyan isagoona gacantiisa ku gooyay in kabadan 700 oo geed oo ah dhirta lo yaqaano galoolka iyo qudhaca.
Gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Gar-yaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa isagu dhagaysiga dacwadan ku qabtay goobtii falku ka dhacay ee uu muwaadinkanu sheeganayay oo ku taala tuulada Qori-jabley ee Degmada Sabowanaag.
Waxaana dhagaysiga dacwadan iyaguna goob joogayaal ka ahaa masuuliyiinta wasaarada deegaanka Somaliland, gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale.
Eedaysane Cabdilaahi Haruun Daa’uud oo da’diisu tahay 42 jir ayaa waxa uu afkiisa ku qirtay inuu jaray dhirtaas,ay masuuliyiinta wasaaradu kusoo eedeyeen goynteeda.
gabagabadiina Gudoomiyha maxkamada gobolka maroodi-jex garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa isagu dhagaysiga dacwada soo gabagabeeyey,waxaana uu eedaysane Cabdilaahi Haaruun Daa’uud ku xukumay 3 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan (3000,000 sh.sl) iy waliba inuu marka uu xadhiga ganaaxa ah dhamaysto uu meeshii uu ka gooyay dhirta ku beero 200 oo geed.









