Kooxda Atlentico Madrid oo Gurigeeda ku dubatay Kooxda Bayer Munich

0

Arabsiyo Sports:-Kooxda Atletico Madrid ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Bayern Munich kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga, waxayna Atletico guushan ku gaadhay 1:0. Gool layaableh oo uu  Saúl Ñíguez dhaliyay bilawgii qaybtii hore ee kulankan ayaa Aletico Madrid ka caawiyay in ay guul xili ciyaareedkeeda muhiim u ah ka gaadho Bayern Munich, waxayna sidoo kale ku guulaysatay in ay Bayern Munich ka ilashato shabaqeeda.

Kooxda Atletico  Madrid ayaa garoonkeeda Vincente Calderon ku soo dhawaynaysa kooxda Bayern Munich, kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga wareegiisa afar dhamaadka. Tababarayaasha Diego Simeone iyo Pep Guardiola ayaa kulakan iskaga hor iman doona maskax ciyaareed oo la filayo in ay ka soo bixi doonto ciyaar xiiso badan.2

Atletico Madrid ayaa maanka ku haysa culayska ay ku dareemi doonto Allianz Arena, sidaa daraadeed kulanka lugta hore ayay muhiimad wayn siin doontaa halka Bayern Munich ay doonayso in ay ugu yaraan goolal marti ah ku soo dhashato Calderon si ay kulanka lugta hore shaqo fiican u sii qabto.Atlético-Bayern en imágenes

Jawiga garoonka Atletico Madrid ee Vicente Calderon ayaa ahaa mid cajiib ah iyada oo si wayn loo soo buux dhaafiyay isla markaana si fiican loo qurxiyay waxayna jamaahiirta Atletico Madrid muujiyeen sida ay ugu bislaadeen kulamada waa wayn ee Yurub.Atlético-Bayern en imágenesAtlético de Madrid-Bayern de Múnich

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATLETICO  (4-4-2): Oblak; Juanfran, Gimenez, Savic, Luis; Saul, Gabi, Fernandez, Koke; Torres, Griezmann.

Kaydka: Moya, Correa, Gamez, Hernandez, Partey, Vietto, Kranevitter.

BAYERN (4-3-3): Neuer; Lahm, Martinez, Alaba, Bernat; Thiago, Alonso, Vidal; Coman, Costa, Lewandowski.

Kaydka: Tasci, Benatia, Ribery, Gotze, Muller, Ulreich, Kimmich.

Kulankan ayay qaybtiisa hore ahayd mid lagu raaxaystay daawashadeed isla markaana ay labada kooxood ku soo badhigeen qaab ciyaareed farsamadiisu aad u sarayso laakiin Atletico Madrid ayaa noqtay kooxda ka faa’iidaysatay fursadihii ay heshay halka Bayern Munich ay dhamaan fursadihii ay abuurtay ay noqdeen kuwo aan lagu guulaysan.

Atletico Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed weerar ah waxayna markiiba culays saartay difaaca Bayern Munich. Wiilasha dhiiranaanta ku ciyaara ee Diego Simeone ayaan wax cabsi ah ka muujin Bayern Munich waxayna si buuxda weerar ugu bilawdeen kulankan.

DAQIIQADII WAALIDA: Daqiiqadii 11 aad  Saúl Ñíguez ayaa indhaha aduunka xaday kadib markii uu qaab aan la rumaysan karin ku kala dhantaalay isla markaana uu ku burburiyay difaaca Bayern Munich wuxuuna goolka furitaanka Atletico Madrid ku dhaliyay kubbad uu iskii u shaqaystay isaga oo dhaliyay gool xaqiiqdii u tartami kara goolka sanadka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Atletico Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Atlético-Bayern en imágenesAtlético de Madrid-Bayern de Múnich

Saúl Ñíguez ayaa khadka dhexe kubbada kaga soo qaatay Augusto Matías Fernández, wuxuuna marka hore soo ceebeeyay Bernat iyo Alonso ka hor intii aanu xerada ganaaxa ugu iman Alaba kaas oo ku khal khaliyay kubbada indho sarcaadka ah ee uu si cajiibka ah uga soo shaqeeyay wuxuuna kubbad soo wareegaysa uu birta goolku halka ay dhulka kaga taalo ka dhaliyay goolkan.Atlético de Madrid-Bayern de Múnich

Bayern Munich ayaa si gaabis ah ciyaarta dib ugu soo laabanaysay waxayna bilawday in ay fursado abuurto laakiin difaaca xadiidka ah ee Atletico Madrid ayaa fursadaha Bayern ka dhigayay kuwo aan midho dhalin. Iyada oo ay Bayern Munich ku wada mashquulsan tahay sidii ay ula iman lahayd goolka bararhaha ayay Atletico Madrid dhinaceeda ka waday weerar ay ku raadinaysay goolkeeda labaad.Arturo Vidal iyo Douglas Coasta ayaa fursado helay basle dadaalkooda ayaan waxba ciyaarta ka badalin.

DAQIIQADII 28 aad Bayern Munich ayaa u muuqatay in ay helayso fursadii ugu fiicnayd ee ay kula iman lahayd goolka barbarhaa kadib markii uu Philipp Lahm uu darbo xoogan ku tuuray goolka Atletico Madrid laakiin difaaca Atletico Madrid ayaa kubbad ku celiyay gacanta isaga oo waliba xerada ganaaxa kooxdiisa ku jira laakiin garsooraha ee England ee Mark Clattenburg ayaan waxba tilmaamin , laakiin muuqaalada iyo sawirada ayaa si cad u muujiyay in ay gacan ahayd.

DAQIIQADII 29 aad Atletico Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda labaad kadib markii uu Griezmann uu kubbad kala baxsaday difaaca Bayern Munich laakiin darbadiisa uu goolkan ku dhalin lahaa ayuu goolhaye Manuel Nueur uu lugta iskaga badbaadiyay. Wuxuuna ahaa gool cadaan ah oo uu goolhayuhu kooxdiisa ka badbaadiyay.

Atlético-Bayern en imágenes

Bayern Munich ayaa markan bilawday in ay si fiican kubbada lugta ugu qabto isla markaana ay si xoogan u raadiso goolka barbarhaa laakiin waxaa hortaagnayd koox nidaamsan oo si buuxda oo aan qalad lahayn u difaacanaysa isla markaana halka ugu saraysa ku ciyaaraysa, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay Atletico Madrid hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Bayern Munich ayaa soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socota dardar xoogan waxayna markiiba bilawday in ay weeraro ku qaado goolka Atletico Madrid .Daqiiqadii 48 aad Lewandowski, Vidal iyo Coman ayaa si fiican iskugu xidhmay laakiin fursada ay abuureen ayuu difaacu iska daboolay.

Wax kastaaba waxay noqdeen Bayern Munich oo weerar ah iyo Atletico Madrid oo difaac buuxa gashay laakiin markan Bayern Munich ayaa abuuraysay fursado cajiib ah oo goolal lagu dhalin karayay.Daqiiqadii 54 aad Bayern Munich ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbarhaa kadib markii uu David Alaba darbo cajiib ah ku tuuray goolka Atletico laakiin darbada uu sida fiican ugu garaacay goolhaye Oblak ayaa birta goolka ka soo booday. Alla maxay Atletico Madrid markan sigatay!!.

Markale daqiiqadii 56 aad Martinez ayaa helay fursad fiican isaga oo koorne la soo tuuray madaxa si fiican ugu darbeeyay laakiin goolhaye Oblak ayaa markale cadeeyay tayadiisa wuxuuna iska badbaadiyay halista. Coman ayaa wax yar kadib isna fursad fiican abuuray laakiin darbadiisa difaaca ayaa koone iskaga saaray.Waxaana sii socotay fursad abuurista joogtada ah ee Bayern waxaana fursad fiican isna lumiyay Lewandwoski.

DAQIIQADII 64 aad Pep Guardiola ayaa kaydka uga yeedhay Franck Bilal Ribéry wuxuuna ciyaarta ka saaray Kingsley Coman , waxaana sidoo kale ciyaarta soo galay Thomas Muller oo lagu soo badalay Thiago Alcantara, waxayna markan ciyaartu noqotay mid dhinac kaliya ka socota iyada oo Bayern Munich ay si buuxda ula wareegtay kubbad haynta laakiin haddana dhamaystirka fursadaha ay abuuraysay ayaa dhibaato ku ahaa Bavaria. 

DAQIIQADII 74 aad Arturo Vidal ayaa darbo xoogan nasiibkiisa ku tijaabiyay wuxuuna si fiican u bartilmaameedsaday goolka Atletico laakiin goolhaye Oblak ayaa dirqi isaga badbaadiyay halista isaga oo si xanuun badan kubbada dib isaga celiyay.

DAQIIQADII 75 aad Atletico Madrid ayaa markaliya soo qaaday weerar deg deg ah oo aan la rumaysan karin waxaana ciyaartoyda Bayern Munich kubbad la soo dhex orday Griezmann kaas oo cidhifka xerada ganaaxa Bayern kubbada ku siiyay Fenando Torres, Torres ayaa si khibrad leh kubbada uga farsamaystay Alaba wuxuuna si fiican u banaysatay goolka kadib ayuu darbo goolka meel dhaw kaga tuuray laakiin inkasta oo uu goolhaye Nueur uu si fiican u garaacay darbadiisa ayaa birta goolka ka soo booday. Alla maxay fursad ciyaarta lagu dili karo ahayd!.

Bayern Munich ayaa marba marka ka danbaysa soo yaranasay fursad abuuristeedii fiicnayd waxayna Atletico Madrid helaysay waqti ay ku neefsato, dhamadkii ciyaarta Mehdi Benatia iyo Vidal ayaa fursado fiican helay laakiin sidii hore Oblak ayaa u sheegay in ayna wax dhibaato ahi jirin. Si kastaba, Atletico Madrid ayaa awooday in ay guul ka gaadho Bayern Munich isla markaana ay garoonka ka baxdo iyada oo shabaqeeda wax gool marti ah ka ilaalisay taas oo fursad fiican siinaysa kooxda Diego Simeone.