IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Arabsiyo News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyadaynaya dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kantratoolka bari ee Hargeysa maanta 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto jannadana geeyo qoysaskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
C/raxman Sh Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com








