Hargaysa(AN)Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley xaalada banka Qool-Cadey oo shalay dagaal ku dhex maray ciidamda Booliska iyo Maleeshiyaad beelaad .
Gudoomiyaha ayaa waxaa u shacbiga ku nool deeganka Banka Qool-Cadey ugu baaqay in ay ka shaqeyeen nabada iyo xasiloonida xukuumada waxaa uu u soo jeediyey in ay arintaasi ku dhameyso si ay masuulyadi ku jirto waxaana uu yidhi
“Waxaan Shacbiga rer Somaliland ee Qool-Cadey deeganka u ah iyo hareerihiisa ugu baaqayaa guud ahaan in xasiloonida iyo nabad galyada laga wada shaqaeeyo waxaanan ugu baaqaya baaq nabadeed sidoo kalana xukuumada waxaan ugu baaqaya in si ay masuulyadi ku jirto arintaasi u gasho ” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro
Sidoo kale gudoomiye Ciro waxaa uu baaq fariin ah u diray dadka ku dhaqan gobalka Maroodi-Jeex isaga oo ugu baaqay in ay si wacan u qaatan kaadhka diwaangalinta cod bixiyaasha oo dhawaan laga bilaabi doono waxaana uu yidhi
“waxaa aad ka warqabtaan in diwaangaintii gobalka Maroodi-Jeex si rasami ah loogu dhawaaqi doono bishan 30 keeda markaa shacbiga gobalka Maroodi-jeex oo ah gobalka ugu mihiimsan Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay si wanaagsan isku diwaangaliyaan si ay u helaan xaqooda Dastuuriga ah ee ah in ay codeeyaan ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay gudoomiye Ciro
Halkan Ka Daalaco Muuqalka Warkan.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








