Waan Sharaxanahay Doorashada 2016-ka Dalka Ka Dhacaysa Xasan Sheekh

0

Muqdisho {AN}–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu mar kale u Tartamayo Hoggaanka Somalia, isagoo xusay inuu la imaan doono ajandayaal cusub oo uu shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadi doono.

Xasan Sheekh, ayaa xusay inuu diyaar u yahay inuu mar kale Doorashada Somalia ka dhici doonta daba-yaaqada sanadkan uu ka qayb-galayo, iyadoo hadalkan noqonayaa midkii ugu horreeyay oo uu si rasmi ah ugu sheego Madaxweyne Xasan inuu mar kale u tartami doono xafiiska hoggaanka dalka.

“Sidii markii horeba aan ula nimid ajandihii lixda tiir oo ay wax badan dhaqan-galeen ayaa marka la gaadho xilliga doorashada Sannadkan ay dhacayso ula imaan doonaa ajandaheenna. markaas ayaana la ogaan doonaa.” Ayuu idaacadda VOA da u sheegay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqday inuu inta badan ka war-wareegayay inuu toos uga jawaabo arrinta la xidhiidha murashaxnimadiisa, wuxuuna si kooban u xusay in uu diyaar u yahay inuu doorashada ka qayb-galo oo kale.

Ugu dambeyn, Daba-yaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, ayaa lagu wadaa inay dalka ka dhacdo doorasho ka duwan tii la filayay ee ahayd Qof & Cod, iyadoo Hogaamiyeyaasha Somalia ay ku heshiiyeen dhawaan in doorashada sannadkan ay noqoto mid hannaanka 4.5-ka ku dhisan.

 

Muqdisho Desk

ArabsiyoNews@gmail,com