Hargaysa(AN) Wasiiru dawlaha Amniga S/land Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday degaanka Bali-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer ,Maxamed Muuse Diiriye Wasiiru dawlaha Amnigu ayaa ka hadlay dhacdadan shirki Golaha Wasiirada ee maanta ka dhacay xurunta Madaxtooyada .
Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Somaliland oo ka warbixinaayey arrimaha amniga ee dalka, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay dhacdo ka dhacday degmada Bali-dhiig ee gobolka togdheer, halkaasoo la sheegay inuu nin degaankaas ahi ku gawracay wiil yar oo 12 jir ah, taas oo lama filaan ku noqotay shacbiga dalka, sidoo kalena ay ka anfariireen xubnihii golaha wasiiradu, ilaa ay gaadhay inuu madaxweynuhu intuu madaxa qabsado uu yidhaahdo (INNAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN, ma laba iyo toban jir, waar waxwalba waa la arki). Isagoo madaxweynuhu dareen tacsi leh u muujiyey qoyskii ilmaha yari ka baxay.
Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa warbixintiisi sii watay, waxaanu yidhi “Ninka ilmaha yar gawracay oo isku deyey inuu baxsado, ayaa markiiba waxa ka daba-tegay ciidamada amniga iyo shacbiga degaanka oo wada socda, waxana gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegayaan wararkii u danbeeyey ee isoo gaadhay, in gacanta lagu soo dhigay dhagarqabihii”.
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








