Madaxwaynaha Somaliland oo dhambaal Tacsi udiray Madaxdhaqameedka dalka Geerida ku timid Allaha unaxariistee Caaqil Cismaan Jaamac Gaas

0

Tacsi(AN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cismaan Jaamac Gaas, oo ku geeriyooday 20/04/2016, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa cuqashi hore ee soo jireenka ahaa, qayb weyna ka soo qaatay halgankii, dib u xorayntii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.