Madaxwayne Siilaanyo oo Soo Jeediyay In La Dadajiyo Tallo Qaran oo Tahriibka Laga Yeesho.

0

Arabsiyo News—Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay dhallinyaro Somali u badan oo ku geeriyooday badda Masar iyo Giriiga u dhaxaysa,waxaana ku jiray dhallinyaro badan uu u dhashay Somaliland.

Qoraal goor dhawayd ka soo baxay xafiiska madaxwyanaha kuna saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Md Shamax ayaa lagaga hadlay dhallinyaradaa ku haraqantay badwaynta Masar iyo Giriiga u dhaxaysa.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa masiibada ka dhacday badda u dhaxaysay Masar iyo Giriiga, masiibadaas oo la sheegay inay ku naf waayeen dad aad u tiro badan oo boqolaala.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay masiibadaa mid ku timid qaddarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen, waxanu tacsi tiiraanyo leh u diray  guud ahaan qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey, kuna halaagmay masiibadaa, gaar ahaan inta soomaalida ah, siiba inta u dhalatay Somaliland oo uu sheegay inuu xil gaar ahi ka saran yahay.

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka berrito, ilaalintooda iyo bedqabkooduna tahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo dadka ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com