Hay’adda FAO oo Madaxwayne Ku Xigeenka Lacag ku Wareejisay(SAWIRO)

0

Arabsiyo News–Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO).

Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada wehelinaayey iyo weftiga hay’adda qaramada midoobay oo wada hadal dheer ku yeeshay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa kulanku markii uu soo dhamaaday ka warbixiyey fadhigoodii iyo waxay ka wada hadleen,

“Waxa maanta halkan nagu soo booqday wefti sare oo uu hogaaminaayo Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), runtii sidaad la socotaan FAO waa hay’adaha ugu qiimo badan hay’addaha qaramada midoobay, waana qaybta hay’ada u qaabilsan qiimaynta roobabka iyo abaaraha iyo halkay xaaladu marayso”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay jawaab ka bixiyeen baaq ay u direen haayadaasi,isagoo sheegay inay awlba wada shaqaynayeen.

Md Saylici waxa uu sheeegay inay u ballan qaadeen dhaqaalle iyo caawin bulshadii ay xooluhu ka dhammaadeen .

“Waxay noo balan qaadeen iyadoo dhaqaale cidhiidhi dunida ka jiro oo dhibaatooyinka aduunka iyo qaxoontiyadu ay farabateen, waxanay dib u xoolaynayaan dadkii ay xooluhu ka dhamaadeen, beeralaydiina dib looga caawiyo wax soo saarkoodii ka baaba’ay. Waxay kaloo balan qaadeen in ay xoolo tiro badan ay talaali doonaan, iyadoo ay xoolo badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’a weyntii xoolaha. Wuxu intaa ku daray madaxweyne ku xigeenku in hay’adu 6000 oo qoys ay siindoonaan lacag ay ugu talogaleen inay kaga shaqeeyaan in ay waxyaalihii ay manaafacaadsan jireen ee xoolaha iyo beeraha lahaa ay dib ugu soo nooleeyaan kuna shaqaystaan, waxanay balanaqaadeen inay samaynayaan biyo qabatin, intaasina waa hordhac balse qaylada waanu dheeraynay ayey yidhaahdeen weftigu.Ayaa ka mid ahayd hadalka madaxweyne ku xigeenka”ayuu yidhi Md Saylici.

Waxa Kulankaasi ka hadlay Mr Richard Trenchard oo u mahadnaqay kulanka uu la yeeshay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha. Wuxuu inta raaciyey inay beri dalka soo gaadhayso talaal tiradiisu dhan tahay 3Milyan, isagoo inta ku daray inay ka go’an tahay hay’adaha qaramada midoobay ee ay ka mid ka yihiin inay si buuxda ula shaqeeyana Somaliland, gaar ahaan wakhtigan adag ee dhinaca abaaraha ee Somaliland ku jirto.

Gebegebadii wuxuu masuulkaasi ku wareejiyey madaxweyne ku xigeenka lacag dhan 6100  Dollar oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha hay’adda FAO ee Somaliland ku sugan.

Madaxwyene ku xigeenka waxa kulanka ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirku ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Mudane Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer), halka ay dhinaca masuulka FAO ay wehelinayeen masuuliyiinta Somaliland u joogta hay’adaasi iyo masuuliyiin la socday.

DSC_0056 DSC_0052_1 DSC_0072 DSC_0052 DSC_0046_1 DSC_0046 DSC_0045_1 DSC_0044_1 DSC_0044 DSC_0039_1 DSC_0039 DSC_0036_1 DSC_0036 DSC_0033_1 DSC_0033 DSC_0025_1 DSC_0019_1 DSC_0014_1 DSC_0014 DSC_0002 DSC_0001 DSC_0014 DSC_0002 DSC_0001