Hargaysa(AN) Khilaaf huursan oo qarka u saaran inuu qarxo ayaa ka dhex curtay Masuuliyiin afar ah oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee waddani ,
Masuuliyiintaas ayaa kala ah xogahayaha cadaaladda barkhad jaamac xirsi, xoghayaha arrimaha bulshada,
Marwo Hinda Jaamac Gaani, xogahaye ku xigeenka siyaasadda mudane Maxamed Abiib iyo af-hayeenka garabka dhalinyaradda mudane Maxamed sidiiq.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxayaa in khilaafkan uu ahaa mid mudooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay kaas oo salka ku haya wada tashi la’aan ay xubnahani kala kulmeen xisbiga dhexdiisa, taas oo ay tiraba dhawr jeer oo is xigta si toos ah iyo si dadban ugu gudbiyeen Gudoomiye Cirro.
Masuuliyiinta saluuga ka muujiyay xulufaysiga uu Gudoomiyahoogu isku xeeray masuuliyiinta Beeshiisa ayaa ahaa kuwo mar walba u heelanaa horumarinta iyo difaacida Xisbiga iyaga oo ahaa masuuliyiin inta badan Saxaafadda marin jiray Mucaaridad adag oo aanay xubnaha kale ee xisbigu lahayn.
Si kasta ha ahaatee xubnahaas afarta ah ayaa waayadan dambe gabi ahaanba ka gaabsaday arrimaha xisbiga Waddani iyada oo ay Wararku intaa ku darayaan in aanay xubnaha iyagu Hargeysa ku sugani aanay ka xaadirinba shirarka xisbiga iyo xarunta dhexeba.
Geesta kale arrimahan is xulufaysiga ah ee Beesha Gudoomiye Girro xisbiga ku hayso ayaa ah cabasho soo noqnoqaysa , taas oo masuulka kasta oo xisbiga ka baxaa u aaneeyo inuu iska casilo xilkii xisbigaas qabyaalad qaawan oo uu kala kulmay xisbiga.
qadiyadan imika taagan ee masuuliyiinta afarta ahna waxa la filayaa inay ka huleeli doonaan xisbigaas ay tacabka badan galiyeen taas oo noqonaysa in Gudoomiye Cirro iyo xulafadiisu ay ku soo hadhi doonaan xisbiga.
hore ayaa waxa sidan oo kale xisbiga iskaga casliley siyaasiyiin waawayn oo ku sababeeyey xil ka tagistooda xisbiga wada tashi la,aan iyo is xulafaysi gaar ah.
Source togaherer








