Shil Baabuur Oo Naxdin Badan Oo Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Magalooyinka Ceel-waaq Iyo Wajeer Ee W/Bari Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

0

Arabsiyo News–Shil baabuur oo aad u naxdin badan ayaa manta ka dhacay jidka way nee isku xidha magaalooyinka Ceelwaaq iyo Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya.

Waxaana gawaadhida isku dhacday ay kala ahaayeen Gaadhiga loo yaqaano “dhayne” ee xamuulka qaada iyo laba babuur oo kala ahaa gadhiga loo yaqaano bas iyo landgureizer.

Waxaana shilkan gaadhi uu sababay kuwaadh dhimashada dadka oo gaadhaysa 13 qof halka dhaawacuna yahay mid aad u badan, balse ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya tirada dhimashada dadka, iyo waliba waxa sababay shilkan baabuur.

Waxaana gaadhiga xamuulka ah ee dhaynuhu sida idin muuqata uu dhakada ka maray labada gaadhi ee kale.

Waxaana dhaawaca iyo dhimashada dadkaaba loola cararay magaalada wajeer ee waqooyi bari Kenya.

1