Mudanayaasha Golayaasha kaga jira Goboladda Barri ee oo ka xanaaqay wareegtaddii Warancade ku xanibayey in aan Adeegyo loo fulin Karin dadka aan haysan kaadhka muwaadinka

0

Hargeysa(AN) mudanayaasha wakiilka ka ah dadka dega goboladda Barrie e Somaliland ayaa sheegay Digreetada Warancade inay kala jarayso Somaliland, iyagoo ku eedeeyey in uu isagu gaadhsiin waayey Goboladda Sool iyo Sanaag Diiwaangalintii Muwaadiniinta.

baarlamaanka somalilandMudanayaasha ayaa sheegay Amarka wasiirku in uu waxyeelo ku yahay adeegyaddii ay dadkaasi usoo doonan jireen Dalka qaybihiisa kale, maadaama dadka goboladaasi aan la gaadhsiin adeegyada muhiimka ah ee ay xukuumaddu maamusho.

Dadweynaha Goboladda Barri ayaa iyana wada kulamo iyo shirar ay arrintan kaga arrinsanayaan iyadoo laga yaabo goboladaas qaarkood oo marka horeba aan aaminsanay Somaliland inay talaabadda wasiir warancade sii fogayso.

Diiwaangalinta Madaniga ah oo ay xukuumadda Somaliland ku bixisay lacag kor u dhaaftay lix Milyan ayaa u muuqata mid aan wada gaadhin Somaliland, taasina waxay dhaawac ku keenaysaa in uu shaqeeyo go’aan kasta oo ay xukuumaddu isku daydo inay shuruud kaga dhigto haysashada Kaadhkaasi.

Illaa hada xukuumadda Somaliland is may weydiin dhaqaalaha intaas lee gee lagu bixiyey khaadhka Jinsiyada sababta loo gaadhsiin waayey dadweynaha Reer Somaliland.

Wasiir Warancade ayaa lagu eedeeyaa in uu maamul xumeeyey mashruucaas, isagoo kala wareegay laba guddi oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay maamulaan qaabka mashruucaas loo fulinayo.