Hargeysa (AN) khilafkii ka dhex jiray masuuiiliyiinta xisbiga mucaradka ah ee UCID ayaa maalinba maalinta ka danbaysa cirka isku sii shareeraya waxanay masuuliyiinta khilaafku ka dhexeyo warbaahinta isku marinayaan eedaymo kulul.
Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xilliga rasmiga ah ee ay ka dhabayn doonaan go’aankoodi ahaa inay maxkamad gayn doonaan dacwada xisbiga si looso kala saaro ayaa waxa uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan u gayn doonaan maxkamada waxaana uu yidhi
“Maalmaha soo socda waan gayn doonaa maxkamada dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe waayo dee xisbigu xeer iyo qawaaniin ayuu leeyahay kumana uu dhaqmin laakin maxkamada ayaa nakala saari doonta faysal-na waa markii labaad ee maxkamad lasoo taago aniga musharaxnimadayda gole dhexe ayaa laygu doortay sharcina wan u leeyahay inaan tartamo arinkana waxaan u arkaa mid daba laga wado ”sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Sidoo kalena musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey in losoo adeegsanayo burburka xisbiga UCID, isaga oo dhanka kalena sheegay in warsaxaafadeedada kasoo kala baxay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee xilalka lagaga qaaday masuuliyiin ku jira xisbiyada meel lagu soo wada abaabulay.
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








