Hargaysa(AN)Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa xilkii ka xayuubiyey Gudoomiyayaasha 2aad iyo 3aad ee xisbigaas oo wali dabada sii haysta hadhaagii xubnihii isku magacaabay Isbaahaysiga Kulmiye Warsaxfadeed ka soo baxay xarunta xisbiga oo soo gaadhay xafiiska warqadabdka Shabakada Arabsiyonews ayaa waxa udhignaa sida tan
War-saxaafadeed
Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee
xisbiga oo hore loogu gudbiyey.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo
qodobka 25-aad, faqradiisa t.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad,
waxay go’aan ku gaadheen:
– In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo
xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii 3-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadiixisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka
iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
Allaa Mahad Leh.
Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
______________________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Arabsiyonews.net
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








