Somaliland:Madaxwayne Siilaanyo oo La Kulmay Wefti Qiimaynta Abaaraha u Socda.(SAWIRO)

0

Hargaysa {AN}-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Ingriiska oo Somaliland ku sugan ka codsaday inay wax kala qabtaan dhibaatooyinka ay abaartu ugu horeyso ee dalka ka jira.

Weftigan ka socda dalka Ingriiska ee ay hoggaaminayso gabadh ka tirsan baarlamaanka dalkaasi ayaa u socday xaalada abaareed ee dalka ka jira iyo qiimayn ay ku samaynayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ka jira Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilanayo waxa uu sheegay inuu rajaynayo inay wax badan kala qaban doonaan dhibaatada ay abaartu ka mid tahay ee dalka ka jira.Waxaanu sidaasi ku sheegay kulan casho ah oo uu Madaxtooyada ugu sameeyay Weftigan.

“Waxaa farxad wayn ii ah in aan idinku soo dhaweeyo Somaliland, iyadoo labadeena dal ay ka dhaxayso cilaaqaad soo jireen ah, ku soo dhawaada dalka, waxanan rajaynayaa in aad wax nagal qaban doontaan dhibaatooyinka nala soo darsay ee ay ugu horayso  abaartu ” ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaa uu ka hadlay abaarta soo noqnoqonaysa ee dalka ka jirta iyo dhibaatada biyaha ee umadda soo food saartay, “Waxaanu u baahanahay caawimo, taasoo ah mid wakhtiga dheer wax ka tarta dhibaatada dhinaca cuntada ka haysata bulshada. Waxaanan u baahanahay dib u xoolayn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u kaydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda, biyaha dhulka hoostiisa ku jirtana loo soo saari lahaa .”ayuu yidhi Wasiirka arimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire.

Xildhibaan Miss.Diane Abbott oo sheegtay inaanay ahayn  markii u danbaysay ee ay dalka booqasho ku timaado, waxanay raacisay sidii maalintii kowaad ee ay booqashada ku timid dalka, ammaan ay u jeedisay  dawlada iyo dadka Somaliland

“Waxaan hore dalka u imid 2010, somaliland qalbigayga qaali ayay ku tahay,waxaanan ka soo baxay  dhinaca bariga London oo ay Somalilanders badani ka mid ahaayeen dadkii ii doortay  baarlamaanka.”Waxanay intaa ku dartay oo ay tidhi “Somaliland waa dal qani ah, waxad  leedihiin ummad sidaan dibadaha ku arkay  bulsho firfircoon oo shaqaysata oo ku nool dacalada dunida kuwaas oo dalkoodana wax ku soo tara,waxa badana ka qaban kara sidii u u horumari lahaa cagihiisana uu iskugu taagi lahaa dalkiina .”ayay tidhi Miss.Diane Abbott

Miss.Diane Abbott waxay ka hadashay waxyaabaha uga qorshaysan inay ka qabato dhibaatada abaaraha Somaliland ka jira.

“inaan baarlamanka Ingiriiska cod dheer ugu sheego siday dhab ahaan waxa uga qaban lahaayeen abaarta dalkan ka jirta wakhti xaadirkan, waxna ka tari lahaayeen abaarta soo noqnoqata ee dalka dhacda”.ayay tidhi Miss.Diane Abbott

Guddoomiyaha Ururada Islaamiga ah Dr.Hani Bana oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inay Somaliland tusaale wanaagsan u tahay gobolka .

“Mudane  Madaxwayne, Somaliland waxay tusaale  wanaagsan u tahay  Gobolkan ay ku taallo. Waan aragnay in ay dhibaato wayni gaadhay dalkiina  oo  abaartu keentay oo dhinacyadii dhaqaalihiinu ku tiirsanaa xoolo iyo beeraha ahaa ay  naafoobeen, waxanu ku dadaali doonaa inaanu gaadhsiino ururada Samo-falka iyo dawlada Ingiriiiskaba, sida ay sheegtay Miss.Diane Abbott, dalkii aanu ka nimid ee Ingiriiska si ay u suurto gasho  in wax la idinka taro  cimilada isbadalshay ee abaaraha iyo daadadka keentay, lana qodo ceelal iyo balliyo waawayn, anigoo ku talinaya  inaad kaashataan qurbo joogiina hawl karka ah ee dibadaha ku nool”ayuu yidhi Dr.Hani Bana

Weftigan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Somaliland,iyaga oo sheegay inay wadaan qiimayn ku saabsan saamaynta ay abaartu ku keentay bulshada Somaliland.

DSC_0045 DSC_0047 DSC_0048 DSC_0049 DSC_0051 DSC_0052 DSC_0061 DSC_0064 DSC_0083 DSC_0085 DSC_0091 DSC_0095 DSC_0097 DSC_0101 DSC_0103 DSC_0108 DSC_0110

 

Source Toosh