Hargaysa{AN}–Garabka isbahaysiga KULMIYE ayaa manta ka hadlay warsaxaafadeed ay soo saareen gudida fulinta xisbiga KULMIYE oo ay ku sheegayaan in xilkii iyo xubinimadii xisbigaba ay ka sareen gudoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye xildhibaan Wabeeyo iyo gudoomiye ku xigeenka sadexaad mudane Talyanle.
Waxaana ay sheegeen inaanay warkaasi wax jira ahayd iyaga oo ku tilmaamay go’aankaana mid aan sharci ahayn, Waxana ay dhaliilo xoogan usoo jeediyeen gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Source Ramaas








