In Laysku Xajiimeeyo Cashuur Ururintu Waa Arrin Curad Ah, Waxaase Ka Hadha Sheekooyiin Dhaxal-gala Ah”Cabdixakiim Cabdilaahi Maxamuud

0

Arabsiyo News–Maamulaha Kastamka Madaarka Cabdixakiim Cabdillaahi Maxamuud ayaa ka  war bixiyay wixii u qabsoomay muddo Toddoba Bilooda uu xilka Mas’uuliyada uu qaranka u hayo oo ay u magacawday Wasiirka Wasaarada Maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan  waxaanu Si qotodheer u sharraxay  waxyaabihii u qabsoomay muddada  Toddoba Bilooda Isagoo faahfaahinaya. Maamulaha Kastamka Madaarka Oo  warbaahinta la hadlay  ayaa hadalkiisa ku bilaabay

“Waxaanu hirgalinay dhismayaal kala duwan oo ay ugu horayso  Laba Qol oo Xafiisyada Maamulka loo  dhisay hoolka Alaabaha la dhigto oo aanu u samaynay laba barande maadaama ay markii hore cadceed ahayd sidoo kale waxaanu Marmar dhigay  barxada xafiisyada.” Sidaa ayuu yidhi

Waxaana Isagoo hadalkiisa sii wata uu Maamule C/Xakiin sheegay in ay kor u qaadeen guud ahaan nadaafada  Kastamka Madaarka. dhammaan waxqabadkan oo Maamuluhu  hirgaliyay mudadii uu joogay ayaa waxa uu   uga mahad  celiyay  Wasiiradda Maalliyada  MArwo Samsam

“dhammaan waxqabadkaasi waxuu qayb ka yahay Astaamaha Waxqabad ee ku xardhan diiwaanka waxqabad ee Wasiiradda Maalliyada oo si degdaga uga soo jawaabta baahiyaha Kastamka Madaarka ee aan u gudbino”.

Maamuluha oo faahfaahin dheeraada ka bixinaya Masuuliyada uu Qaranka hayo waxuu yidhi

“Masuuliyada iyo xilka qaranka u hayno ee Cashuur ururintu waa mid culus waxaana hubaala in  ay cakis isku yihiin iskana soo horjeedaan  Cashuur Bixiyaha waana arrin curada oo soo jireen ah oo bulshadu kawada dharagsantahay in mararka qaarkoodna la isku qoonsado  mararka qaarkoodna lagu xafiiltamo oo la isku xajiimeeyo waxaana ka hadha sheekooyin iyo kaftamo dhaxal gal noqda” ayuu  yidhi Maamulaha Kastamka Madaarka Cigaal International.

 

Arabsiyo Desk