Arabsiyo News—Xildhibaan Jirde Siciid oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay abaaraha baahsan eek a jira gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland, waxaana uu xildhibaanku ugu baaqay Madaxwaynaha Somaliland, xukumadda golaha wakiilada,ganacsatada, xisbiyada qaranka, qurba joogta iyo cid kaste oo wax haysata inay qayb ka qaadato kaalmada deg deg ah ee la gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada iyo deegaanada Somaliland.
Waxaana uu sidoo kale xildhibaan alle ka baryay inuu alle abaarta inaga dul qaado.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka








