Arabsiyo News—-Qarax shalay ka dhacay dalka Pakistan ayaa waxaa ku dhintay 70 qof dhaawacana waxa uu gaarayaa 300 oo qof
Waxaa weerarkan sheegatay kooxda Taliban ka go’day ee Jamaacatul Axraar, Isbitaalada ayaa heegan la galiyay. sidoo kalena waxaa lagu dhawaaqay sadax maalmod oo tacsi ah
Madaxda caalamka ayaa cambaaraysay weerarka isqarxinta ahaa .Dadka dhamaaday ayaa u badan masiixiyiin u dabaaldagaysay munaasabada Easter Holiday
Sidoo kale goobjoogayaal meesha ku sugnaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay caruur iyo haween u badan yihiin
Kooxda Jamaacatul Axraar ayaa horay ugu goodiyay inay weeraro qaadi doonaan









