Fanaanin Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Oo Lagu Xidhay Nairobi

0

Arabsiyo News—-Fannaaniinta ka tirsan Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa maanta lagu xidhay Madaarka Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.

Fannaaniintan oo kala ah Yurub Maxamed Cabdi Geenyo, Mursal Muuse Cumar, iyo Hodan Cabdiraxmaan , ayaa wararka aanu ka helayno Nairobi waxay sheegayaan in afartaas fannaan maanta lagu xidhay Madaarka.
Ma jiro war faahfaahsan oo dawladda Kenya ka soo saareen xadhigga fannaaniintan, waxaase
warar madaxbannaan oo aanu ka helay Nairobi u xaqiijiyeen shebekadda Berberanews.com in xadhiggooda uu ka dhashay baasaaboorka Travel Documentiga ah ee Maraykanka oo ay sidatay Fannaanada Hodan Cabdiraxmaan Dheere oo dhawaan ka soo baqooshay dalka Maraykanka.

Haseyeeshee warar kale oo iyagana aanu ka helayno isla Kenya, ayaa sheegaya in xadhigeeda ay qayb ka ahaayeen fannaaniin ku suganNairobi.

12721802_1720363861575431_2136077772_n