Arabsiyo News—Waxa habeenimadii xalay ahayd aad loo adkeeyey amaanka caasimada hargeysa iyada oo saalaadii maqrib dabadeed la arkay ciidamo tira badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka caasimada isla markaana baadhaya gawaadhida.
Waxaana ciidamadu ay baadhayeen gawaadhida ilaa saqdii dhexe ee xalay, balse ma jiraan wax warar rasmi ah oo sheegaya in hawl galadaa ciidamadu sameeyeen cid lagu soo qabtay.
Hawlgalada noocan oo kale ah ayaa ah hawlgallo iska caadi ah oo ay ciidamadu bilaabaan si ay u adkeeyaan amaanka dalka waxaana la filayaa in taliska ciidamadu ay ka hadlaan hawlgalkaa xalay ay ciidmadu bilaabeen.








