Arabsiyo News—-Alla haw naxariistee waxa xalay cusbilkaa guud ee magaalada hargeysa ku geeriyooday Deeq Xirsi Cambuur oo ahaa xoghayihii hore ee dawlada hoose caasimad hargeysa hadana kamid ahaa xisbiga WADANI gaar ahaan gudida golaha fulinta xisbiga WADANI.
Marxuum Deeq Xirsi Cambuur ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga Wadani Hinda Xasan Idiris,iyo dhamaan masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa waxay tacsi u dirayaan eheladii, qaraabadii, asxaabtii,bulshada Somaliland, iyo xisbiga WADANI ee uu ka baxay marxuun Deeq Xrsi Cambuur, iyga oo alle uga baryay inuu alle u naxariisto, janadiisa fardawsana ka waraabiyo Sammir iyo imaana ka siiyo.
Waxaana la filayaa in la aaso oo lagu tukaddo salaada duhur marxuun Deeq Xirsi Cambuur.
Inaalilaahi Wa Innaa Ilahayhi Raajicuun.








