Arabsiyo News—-War hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay wadada isku xidha magaalooyiinka hargeysa iyo berbera.
Waxaana shilkan uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Dacar-budhuc waxaan gaadhiga dhacay uu ahaa gaawaadhida loo yaqaano baska kaasi oo siday dad rakaab ah isla markaana tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 30 qof waa siday ay u sheegeen shabakada Ramaasnews dad gaadhay goobtaa uu shilku ka dhacay oo u socday magaalada berbera.
Waxaana gaadhigani uu ka amba-baxay magaalada hargeysa isaga oo usii jeeday magaalada berbera waxaana uu siday sida la sheegay dad doonaya inay isa soo diiwaangalinyaan una socday magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.
Shilkan baabuur ayaa sababay dhaawac iyada oo sida la sheegay ay u darnayeen saddex qof kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka magaalada berbera balse shilkan Ayaan isagu sababin wax dhimasho ah.








