Madaxwayne Obama Oo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Maraykanka

0

Arabsiyo News–Madaxweyne Obama ayaa magacaabay garsoore, Merrick Garland, inuu noqdo gudoomiyaha maxkamada sare kadib markii uu dhintay gudoomiyihii hore.

Magacaabida ayaa waxaa ansixin doona Sanate-ka, laakiin waxaa ku badan xisbiga Republiga oo aan u codayn doonin ansixinta.

Xisbiga Republiga ayaa waydiistay Obama inuu u dhaafo magacaabida madaxweynaha cusub ee la dooranayo November.

Sagaalka xubno ee maxkamada sare ayaa u kala qaybsan dad furfuran iyo dad mayal adag.