Arabsiyo(AN)Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Gobolka Gabiley oo uu booqasho ku tagay maanta.
Soo dhawayn u quus-goysay xisbiyada mucaaradka ah oo ay ka qaybqaateen tobanaan kun oo qof oo aanay u kala cirroole iyo carruur, isla markaana taxnaa inta u dhaxaysa deegaanka Caabudla, Carro-yaanbo, Arabsiyo ilaa gudaha magaalada Gabiley, ayaa lagu soo dhaweeyey weftiga xisbiga KULMIYE.
Halkan ka daawo sawirrada soo dhawaynta weftiga ee magaalada deegaanka Caabudla iyo Arabsiyo.
Arabsiyonews.net
Arabsiyonews@gmail.com
Hargeisa Office




























