Gabiley(AN) Cududa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Gabiley ayaa Caruur iyo Ciroole madax iyo minjo Wiilal Iyo Gabdho Salaadiin iyo Cuqaalba aan Ukala Hadhin soo dhaweynta weftiga Baladhan ee uu hoggaaminaayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Jagada Madxwaynenimo ee Xisbiga Kulmiye muuse biixi cabdi islamarkana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Arabsiyo, iyo Xarunta Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley
Waftigani ayaa shacabka reer Gabiley waxa ay ku maamuuseen kuna soo dhaweeyeen Gaaiid Tiro Badan Iyo Gaadiidka Beeraha Lagu Qoto ee uu Gobolka Gabiley Ku Caanka Yahay iyaga oo sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo Halku Dhagyo Ah oo muujinaaya sida ay uga go’an tahay Taagerada Xisbiga Kulmiye
Taageerayaashan oo Ahaa kuwo xamaasadaysan oo ay ka muuqatay Taagerada Kalgacaylka ay u Hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxa Jagada Madxwaynenimo ee xisga Kulmiye Muuse Biixi Ayaa Waxa ay Ku Soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo sida oo kale lulidda calanka Astaanta u Ah Xisbiga Kulmiye
Dhinaca Kalena Gudomiyaha Iyo Waftigiisa Oo ay Bulshada Reer Arabsiyo ay kusoo wareejiyeen Shaaracyada Gudaha magaalada arbsiyo islamarkana uu Dhex Lugeeyay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Ay Hareero Tuban Yihiin Boqolaal Ka Mida Dadwaynaha Reer Arabsiyo intasi kadibna waxa ay Dadkii soo dhaweeyay waftigasi Uu Hogaaminayo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Uu Kala Hadlay Goob fagaaro ah Oo Logu Talo Galay Waftiga In Lagu soo Dhaweeyo
Arabsiyonews.com
Office Gabiley








