Diyaarad Drone- Ah Oo Dalka Maraykanku Ku Weeraray Fadhiisimo Al-shabaab Leedahay

0

Arabsbiyo News–Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka.

Weerarka ayaa xarunta Pentagon-ka ee Maraykanku u cadaysay BBC in ay ku qaadday xarun tababar oo ku taalla Soomaaliya.

Waxaa Maraykanku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay in ka badan 150 ka tirsan dagaalamayaasha al-Shabab, waa sida Pentagon-ka uu sheegay.

Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, uuna bartilmaameedku ahaa xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

Waxaa Maraykanku sheegay in dagaalamayaasha al-Shabaab ay diyaarinayeen weerar xoog leh.

Wax jawaab ah oo hadda laga hayo ma jirto xarakada al-Shabab.