Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Baar-Dheere Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0

Arabsiyo News—-Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo ay halkaasi ka dheceen.

Sida uu sheegay maamulka magaalada, ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa qof kalena wuu ku dhaawacmay.

qaraxyada waxayna ka dheceen bartamaha magaalada Baardheere, sarkaal u hadlay maamulka Baardheere waxa uu sheegay in laba qarax ay ahaayeen oo lagu aasay dhulka, laba kalena ay soo saareen, dadna loo qabtay qaraxyadaasi.

Laakiin dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in gawaari ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan lala beegsaday qaraxyada.

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com