Halkan Ka Akhri Fariin Codsi Ah Oo Ka Timi Xuseen Bissad Oo Ah Ninka Labaad Ee Aduunka Ugu Dheer

0

Arabsiyo News—Xuseen Bisad oo ah Ninka labaad ee ugu dheer Caalamka isla-markaana dhalasho ahaan  ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xaalad Caafimaad daro soo waajahday ka dib, markii Labadiisa Kelyood hawl-gabeen.

Xuseen Bisad oo hadda ku jira Cisbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa doonaya in lagu Caawiyo Keli lagu beddelo mid ka mid ah Kelyihiisa oo la sheegay inaanay shaqaynayn, si Noloshiisa loo badbaadiyo.

Xuseen Bisad, wuxuu  Dadweynaha somaliland ka dalbaday in loo ururiyo Tabarucaad si loogu helo Keli, looguna badalo kalida fadhiisatay,

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu baahiyey Internet-ka, isla-markaana la soo raaciyey Sawirka Xuseen Bisad oo Dhakhtar jiifa.

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com