Goolhayaha Arsenal Betr Cech oo la Xaqiijiyay in uu Ciyaaraha Mudo ka maqnaan Doono

0

Arabsiyo News—Goolhaye Petr Cech ayaa garoomada dhawac kaga maqnaan doona  laakiin waxa uu kalsooni buuxda ku qaba in David Ospina uu wacdaro muuin doono kulanka London Derby ee White Hart Lane ku dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Arsenal. Arsenal ayaa kulan xili ciyaareedkeeda muhiimad wayn ku leh ayaa booqan doonta kooxda Tottenham.

Arsenal ayaa sabtida booqan doonta kooxda Tottenham oo kaalinta labaad ku jirta, waana kulan kala saari doona kooxaha ree London ee Spurs iyo Gunners oo xili ciyaareedkan u tartamaya koobka horyaalka Ingiriiska, laakiin Arsenal ayaa ah kooxda uu cadaadiska badani saaran yahay ka hor kulanka Tottenham maadaamo ay saddexdii kulan ee ugu danbeeyay oo tartamada oo dhan ay ay soo guuldaraysatay.Cech and Ospina

Petr Cech ayaa sheegay in shaqaalaha kooxdiisa, ciyaartoyda iyo qof kastaaba uu kalsooni ku qabo goolhaye David Ospina wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan filayaa in qof kasta oo kooxda ahi oo ay ku jiraan shaqaalaha iyo ciyaartoydu ay kalsooni wayn ku qabaan Ospina, sababtoo ah waxaan ka arki karnaa tababarka iyo kulamada caalamiga ah in uu yahay goolhaye fiican”.Sidan ayuu Cech u sheegay shabakada rasmiga ah ee Arsenal.Cech and Ospina1

Cech oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Anagu kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa Ospina, wax dhibaato ahna ma noqon doonto. Waxa uu leeyahay khibrad ku filan oo uu kaga ciyaaro nooca kulankan oo kale ah wuxuuna hore u soo ciyaaray kulankan sidaa daraadeed waxaan filayaa in uu fiicnaan doono”.Cech and Ospina11

Petr Cech oo muddo ugu yaraan bil ah garoomada dhaawac kaga maqnaan doona ayaa aaminsan in uu wali door ku yeelan karo kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Anagu waxaanu leenahay istaageerid laba dhinac ah, midkaayaba kan kale ayuu taageeraa, waxaanan filayaa in ay tani tahay waxa ugu muhiimsan koox goolhayaal ah oo wada jir ah oo isku dhajisan, wada shaqaynaya  oo midba kan kale uu tababarka riixayo. Waxaan aaminsanahay in ay tani Ospina caawin doonto in uu shaqadiisa fiican sii wato”.