Arabsiyo News—Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Derejada Koowaad, ay maanta u fadhiisatay dacwad loo heestay Xasan Xanafi Xaaji oo lagu eedeeyey inuu maleegay wariyeyaal badan oo ka hawlgali jirey magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ayaa markii ay aragtay oo ay dhegeysatay markhaatiyaal ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Derajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute, in ay Maxkamadu ku riddey xukun dil toogasho ah.walow uu guddoomiyaha maxkamaddu sheegay inuu Xasan Xanafi Xajai uu ka qaadan karo racfaan xukun dilka ah ay maanta ku riddey Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Derejada Koowaad.
Danbiyada loo haystey Xasan Xanafi Xaaji ayaa wax kamid ahaa inuu kaddanbeyey dilal loo geestey Wariyeyaal kala duwan,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Illaahay ha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Sheekh Nuur Abkeey.waxaana dhammaantoo lagu diley dilal qorsheysan.
Geesta kale wariyeyaasha dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyey Xassan Xanafi.
Halkan ka daawo muuqalka warka








