Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Ka Jawaabay Hadalkii Kasoo Yeedhay Xildhibaan Cali Gabiley

0

Arabsiyo News—-Xildhibaan Ismaaciil Saleban Yuusuf oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, kana soo jeeda gobalka Sool, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Cali Gabiley oo ay ka cadhoodeen badiba  bulshada reer Sool.

Xildhibaan Ismaaciil, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay warbaahinta qaar  isla markaana uu kaga hadlay hadalkaa kasoo yeedhaya xildhibaanka ayaa waxa uu u dhingaa sida tan.

“Aniga oo ah mudane Ismaaciil Saleban yuusuf ahna mudane ka tirsan golaha guurtida waxaan jecelahay in aan kaga jawaabo maqaalkan hadal kasoo yeedhay xildhibaan Cali Gabilay oo ka tirsan golaha wakiiladda. Hadaba anigoo tixraacaya hadaladii aflagaadada ahaa ee uu xildhibaan Cali ka yidhi xafladdii xilwareejinta ee gudoomiyihii hore ee Gobolka Gebilay. Waxaa naga yaabiyay  aflagaadadii qaawanayd ee uu Cali kula dul-ku fay Gobolka Sool, markaa Cali hadalkiisa looma qaadan karo hadal nin mas’uul ah oo baarlamaan ku jiraa ku hadlo”sidaas ayuu yidhi xil. Ismaaciil.

Sidoo kalena isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaanku ayaa waxa uu intaa ku daray.

“Cali u jeedadiisu waxay ahayd in uu cayda Sool shacabka Gebilay cod kaga kasbado doorashada soo socota,mana aha hadalkiisu lexejeclo uu ka qabo Gebilay ee waa Aflaagado iyo nacayb uu muujiyey gobolka Sool, Cali waxaa meesha mariyay uun malaa magaca Gebilay ee uu sito ayuu mooday in uu Gebilay dadka ka xigo. Hadalka xildhibaanku Kama duwana dhidar onkod kiciyay, waayo Gabilay dadkii u hadli lahaa haddii wax laga sheego way  joogaan”Xil Ismaaciil.

Wali Xildhibaan Ismaaciil isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inay gobolka gabiley u baahan cid wax u qabata oo horumar gaadhsisa balse aanay u baahnayn ayuu yidhi amaan kaliya waxaana uu dhignaa qoraalkaasi sida tan.

“Dadka reer Gebilayna waa dad soo  jeeda oo maaha dad cod lagaga raadsan karo cayda Gobolka Sool, Gebilayna uma baahna amaan ee waxay u baahan tahay  wax qabad. Waana mid uu caado u leeyahay markuu doorasho doonayo in uu dadka amaano, marka la doortana uu dadkii doortay caayo, hadaba cali waxaan leeyahay ha noqon lugtii faraska raacday”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf oo kamida golaha guurtida Somaliland.