Shil Gaadhi Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa+sawiro

0

Arabsiyo News—Shil gaadhi ayaa goor dhawayd ka dhacay gudaha magaalada hargeysa.

Gaadhigan dhacay aya waxa uu ahaa gawaadhida loo yaqaano Waraadada ee qaada alaabta culculus,ama badeecadaha isla markaana iskaga kala goosha gobolada dalk,  waxaana uu shilkan ka dhacay goob aan sidaa uga si fogayn xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Gaadhiga shilkani galay ayaa waxa lahaa sida ay no sheegeen dad marka aan gaadhnay goobtaasi joogay shirkada ganacsiga ee Al Xarbi, shilkan maanta dhacay Ayaan isagu wax khasaare ah sababin marka laga reebo alaab gaadhiga saarnayd oo burbur soo gaadhay.

Waxaana mar aan wax ka waydiinay darawalki gaadhiga waday waxa ku sababay dhicista gaadhiga ayaa waxa uu noo sheegay inuu gaadhi yar oo nooca loo yaqaano duqaanka ama Taxi-gu uu si qaldan usoo galay wada wayn ee isku xidha suuqa iyo madaxtooyada, taasina ay sababtay inuu dhaco gaadhigu waxaana uu yidhi.

“walaal gaadhi yar ayaa haadka aan marayay si qaldan usoo galay markaan ka dhuftayna gaadhigu wuu rarnaayo wuu isa soo qaban waayay oo culayskii iyo dhufadkii gaadhiga aya isku raacay waana uu dhacay laakiin allxamdulilaah wax khasare ah nama soo gaadhin, gaadhigana waxaan ku saarnayn aniga iyo inanka shaqaalaaha ah ee kirishboyga”Sidaas ayuu dhahay darawalkii gaadhiga.

Si kasteba ha ahaate waxa maalmihii u danbeeyeyba kuso badanayay gudaha dalka Somaliland shilalka baabuurta oo iyagu noqday kuwo sababa khasaare maal iyo mid nafeedba,  iyadoona ay maalintii shalay ahayd kadib markii ay laba gaadhi isku galeen wadada wayn ee isku xidha magalooyinka kalabaydh iyo Gabiley isla markaana ay ku naf waayeen 14 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 ruux oo iyaga hada xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka way nee magaalada hargeysa, Iyada oo ay xukumadda Somaliland ku fashilantay yaraynta shilalka baabuurta iyo waxa sababaya, waxaaana laga war sugayaa go’aamada ay kasoo saaraan wadayaasha gaadiidka iyadoo ay hore uga soo saareen balse uu noqday amar aan meel gaadhin oo aan laga midho dhallin.

1 2 3 4 5 7 8