Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Tacsi udiray Allaha unaxariistee Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

0

Hargaysa(AN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda Saxaafadda iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa saaka waaberigii (25/02/2016), kadib xannuun ku soo booday.

Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta kaalinta wayn ka soo qaatay horusocodka bahda warbaahinta Somaliland, gaar ahaan qaybta qoraalka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, carruurta, qaraabada iyo asxaabtana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE