Hargeysa (AN)- Dalladda Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF (Somaliland Non States Forum), ayaa warbixin hordhac ah ka soo saaray qaabka hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ugu socoto degaannada Gobolka Awdal.
Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay SONSAF, kaasoo u qornaa sidan:
“Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF, iyada oo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka (SCISEF) waxay goob-joogeyaal maxalliya u direen 103 goobood oo ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Gobolka Awdal oo dhan 138 goobood, waana markii labaad ee ururada bulshadu kormeer noocan oo kale ah ku sameeyaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, iyagoo gaadhay boqolkiiba 76 (76%) goob-joogeyaashu waxa ay sheegeen in goobaha ku yaal xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya ay dadku ku badnaayeen.
Goob-joogeyaasha maxaliga ah iyaga oo ka duulaya casharradii ay ka barteen Gobolka Togdheer, isla markaana eegaya baaxadda ay leedahay hawsha goob-joogenimadu, waxa ay si joogto ah warbixino ula wadaagayeen cidda ay khusayso si tallaabo habboon loo qaado. Goob-joogeyaasha maxalliga ah waxay soo tabiyeen in abaarta baahsan ee ka jira Gobolka Awdal ay saamaysay dadkii is-diiwaangelin lahaa. Mid ka mid ah dadkii is-diiwaan-gelinayey oo u waramayey goob-joogeyaasha ayaa waxa uu sheegay in ay saamayn abaaruhu ku leeyihiin diiwaan-gelinta codbixiyaha, waxaannu yidhi; “Siyaasiyiintu waa in ay maskaxda ku hayaan xaaladdaha abaaruhu keeneen in ay saamayn taban ku yeelan karto tirada dadkii la filayey in ay gobolka iska diiwaan-geliyaan.”
Goob-joogeyaasha maxalliga ah, waxa ay xaqiijiyeen in guud ahaan diiwaangelinta codbixintu si nabadgelyo ah uga bilaabantay gobolka, marka laga reebo goob ka tirsan degmadda Lughaya oo ay rag hubaysan soo weerareen, kadibna ka qaateen qalabkii diiwaangelinta, isla markaana dhaawac fudud soo gaadhsiiyey laba qof oo mid ka mid ah yahay askartii goobta ilaalinaysay iyo qof shacab ah.
Dhacdadani waxay xidhiidh la leedahay muranka dhanka xadka ah ee ka dhexeeya gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex, laakiin goobtani (Hadayta) kama ay mid ahayn goobihii hore loogu muransanaa.
Waqti xaadirkan, dawladda iyo xisbiyada qaranku waxay isku waafaqeen in diiwaangelinta laga hirgaliyo goobaha lagu muransan yahay si muwaaddiniintu aanay u waayin xaqooda isdiiwaan-gelineed. Sidaa daraadeed, Ururrada Bulshadu waxay ku talinayaan in kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka ee u dhexeeya saddexda gobol ee Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, in loo baahan yahay go’aan siyaasadeed in lagu dhammeeyo si xal waara looga gaadho. Wasaaradda Arrimaha Gudduhu waa in ay door ka-hortag ah ka qaadato goobaha lagu muransan yahay oo ay xoojiso ammaanka goobahaas.
Goob-joogeyaasha maxalliga ah waxay soo tabiyeen in cillado yaryar oo farsamo ay dhaceen, gaar ahaan labadii maalmood ee ugu horeeyey, iyadoo tani aanay ku koobnayn gobolka Awdal oo kaliya ee sidoo kalena ay ka dhacday Gobolka Togdheer. Goob-joogeyaashu waxa ay sheegeen in shaqaale karti leh oo ka socday Guddida Doorashooyinku u xalliyeen si wanaagsan.
Iyadoo lagu duulayo waxyaabaha aan soo sheegnay, goob-joogeyaasha iyo ururrada bulshada ee gobolku waxay la kulmeen madax-dhaqameed muujiyey cabashooyin ku saabsan diiwaangelinta iyo in goobuhu ku yar yihiin, gaar ahaan degmada Boorama. Markiiba cabashooyinkan waxa si degdeg ah uga hawl-galay Guddida Doorashooyinka oo ku kordhiyay qalab diiwaangelineed oo dheeraad ah goobaha Boorama gudaheeda.
Dareenka goob-joogeyaasha maxaliga ah ka bixiyeen wacyigelintu waxay ahayd in ay aad u hoosaysay oo aanay gobolka wada gaadhin, inkastoo ay jireen dad is-abaabulay oo ku
jireen dhallinyaro, dumar iyo madax-dhaqameed ay wacyigelin iskood u sameeyeen, iyagoo
dadka ku abaabulayay in ay isdiiwaan-geliyaan.
Booqashadii xisbiyada qaranku gobolka
ku tageen waxa ay iyaduna xoojisay in ay dadwaynuhu u soo baxaan diiwan-gelinta. Goob-joogeyaashu waxa ay arkeen in xisbiyadu ay xoojiyeen joogitaanka goobaha, isla markaana
Muraaqibiin u soo direen goobaha diiwaan-gelinta marka la barbar dhigo Gobolka Togdheer.
Goob-joogeyaasha maxalliga ah waxa ay u soo jeedinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudduhu in ay kordhiso wakiillada goobaha u jooga, gaar ahaan goobaha qalabka badan yaallaan si ay hawshu u fududaato.
Horumarinta hababka cillad-saarka Guddiga Doorashooyinka waxay wanaajinaysaa habsami-socodka hawsha diiwaan-gelinta ee gobollada dhiman. Sidoo kale, goob-joogeyaasha maxalliga ah waxa ay ku talinayaan in la sii wado wacyi-gelinta, isla markaana la gaadho gobollada oo dhan.
Gebagebadii, SONSAF waxay xaqiijinaysaa in ururrada bulshadu ay sii wadi doonaan inay
goob-joogeyaal ka sii ahaan doonaan maalmaha dhiman ee diiwaangalintu ka socoto Gobolka Awdal, iyada oo warbixin dhammaystirana ka soo saari doonta marka ay dhammaato.
SONSAF waxa ay u mahad-celinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, ciidanka ammaanka, xisbiyada qaranka, Badhasaabka Gobolka, maayarrada degmooyinka, madax-dhaqameedka, ururrada bulshada iyo dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinku sidii ay uga qaybqaateen habsami-u-socodka diiwaangelinta,” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka ka soo baxay Dalladda SONSAF.
Arabsiyonews.net
Contact Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








