Arabsiyo News—-Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,oo maanta warfidiyeenada kula hadleysey xarunta wasaaradda deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysey ka hadashey xadhig dhawaan lagula kacay koox fannaaniin ah oo sida la sheegay dhawaan aymasuuliyiinta wasaraaradda deegaanku xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa u taxaabtay
Marwo Shukri Baandare ayaa si cad u sheegtay inay fannaaniintaasi ay wasaaradda dhexdeeda ka sameeyeen dagaal iyo rabshado waxaana ay tidhi.
“Waxa weeyey fannaaniitaasi waxay sameeyeen dagaal,anigu shir jaraa’id ayan ku jirey wakhtigaa ay rabshahadu dhacayeen,kaddibna ciidanka ayey la dagaalameen iyaga oo wata dhagaxaan markaa namay soo ogaysiin aniga markaa waxaan arkay nimankan oo la hahayo oo dagaalamaya dhagaxaana tuuriya ciidankana la dagaalamay waana xidhan yihiin hada sharcigana waan la tiigsan doonaa”Ayey tidhi Marwo Shukri Baandare.
Dhanka kalena Shirkan jaraa’id ayaa waxaa ku wehelinayey wasiirada agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cali Waxaana uu ka dhawaajiyey inay maxkamad la tiigsan doonaan fannaaniitan,maadaama ay rabshado ka dhex sameeyeen wasaaradda dhexdeeda waxaana uu yidhi
“Fannaaniintaa waxaanu la tiigsan doonaa maxkamadda waayo waxaan sharcigu ogalayn ayay sameeyeeen oo wasarada dhexdeeda ay dagaal iyp fowdo ka dhex bilaabeen markaa waxaa balan ah inaan sharciga iyo maxkamada la tiigsan doono ”Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miiga.
Si kasteba ha ahaate xadhigan ay masuuliyiinta wasaarada deegaanku lakula kaceen fanaaniinta ayaa waxa la sheegay inuu ka danbeeyey kadib markii ay fanaaniintan iyo koox ay ka kooban yihiin ay dhawaan wasaarada deegaanka u sameeyeeen muuqaalo Decumentry ah isla markaana lagaga hadlayay sidii looga hortagi lahaa gubista dhirta nool, balse markii ay kooxdaasi dhameeyeen muuqaladaasi uu meesha yimi is afgaran waa dhanka qarashka ay ku shaqeeyeen ah waxana sida ay sheegeen masuuliyiintu ay kooxdani wasaarada dhexdeeda ay ka sameeyeen rabshado dhagax tuur ah.
si kasteba ha ahaatee Fannaaniintan ayaa imminka ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Kooxdan la xidhay ayaa waxay ka kooban yihiin sideed xubnood,waxaana ka mid ah Xassan Ismaaciil oo lagu naaneyso Tuse Aw-Toosiye,oo ah jilaagii matalayey riwaayaddii caanka ahayd ee If iyo Aakhiro immikana ah Gaashaanle sare oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland,Fannaanka Faysal Tashi,Laxameeyste Marduuf iyo fannaaniin kale.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka








